Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya?

Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya?

Paperback (27 Jun 2019) | Somali

Not available for sale

Includes delivery to the United States

Out of stock

This service is protected by reCAPTCHA and the Google Privacy Policy and Terms of Service apply.

Publisher's Synopsis

Buuggan koobani wuxuu isku dayayaa inuu muuqaal guud ka bixiyo Xeer-soomaaliga iyo taariikhdiisa. Sidoo kale, inuu dulmar guud ku sameeyo mabda'a Calmaaniyadda, bulshadana loo soo bandhigo dhaqammada uu hoosta ku wato mabada'aasu. In la muujiyo waxa u dhexeeya Xeer-soomaaliga iyo Calmaaniyadda iyo sida Xeer-soomaaligu uu hoosaasin ugu noqday inay dhaqammo qalaad waddanka soo galaan. Dhanka kale, in wax laga tilmaamo sida xeerkeenna loo hagradey, loogana hormariyey mabda'ii Calmaaniyadda ee ay qaateen dawladihii waddanka soo maray. Ujeeddada uu buuggu ka duulayo waxaa lagu soo koobi karaa:

In bulshada loo bidhaamiyo saldhigga Xeer-soomaaliga, taariikhdiisa iyo halka uu ka soo jeedo. In la tilmaamo sida uu Xeer Soomaaligu u fududeeyey inay bulshada soo dhexgalaan dhaqammo shisheeyo. In la muujiyo halka habacu ka yimid, iyo arrinta bulshada ku keentay inay xeer ku dhaqmaan iyagoo ah dad Muslim ah. Sida xeerku uu hadoodil ama gabbaad ugu noqday mabda'a Calmaaniyadda. In la caddeeyo in Xeer Soomaligu ka mudnaa, bulshadana uga fiicnaa mabda'ii Calmaaniyadda ee ay qaateen dawladihii waddanka soo maray.

Sida xeerku u siiyo magan calmaaniyiin badan oo ummadda ku dhex nool, mabda'aasna faafiya. Sidoo kale, in la tilmaamo mabaadi' badan oo ku hoos qarsoon Calmaaniyadda, sida ilxaadka, iyo wixii la mid ah (iwm). In falanqeyn lagu sameeyo waxa u dhexeeya Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda.

Book information

ISBN: 9781912411238
Publisher: Looh Press Ltd
Imprint: Looh Press Ltd
Pub date:
Language: Somali
Number of pages: 178
Weight: 231g
Height: 216mm
Width: 140mm
Spine width: 10mm