Xantaysi

Xantaysi

Paperback (30 Dec 2021) | Somali

  • $15.95
Add to basket

Includes delivery to the United States

10+ copies available online - Usually dispatched within 7 days

Publisher's Synopsis

Buugyarahani waxa uu tibaaxi doonaa taariikh nololeedkii, Alle ha u naxariistee, Ugaas Xirsi Ugaas Maxammed oo noolaa qarnigii labaatanaad. Masuulkaan oo ahaa reer Gedo ayaa taariikh mug weyn iyo saamayn xididdo aasatay ku yeeshay bulshada reer Waamo iyo gobollada deriska la ah. Wuxuu buugyarahani tilmaami doonaa noloshii kala duwanayd ee uu maray Ugaasku yaraantiisi ilaa dhimashadiisi. Shaqadiisi, waxtarkiisi, iyo caqabadihii uu la kulmay intuu taajku saarnaa ayuu wax ka mid ah iftiimin doonaa.


Noloshii Ugaaska waxaa la socda, oo uu buuggu faaqidi doonaa, gobolka Gedo. Juquraafigiisa ayuu meelo ka iftiimin doonaa. Taariikhda gobolka ayuu si mug leh u dhex jibaaxi doonaa isaga oo findhicili doona dadkii kala duwanaa ee soo maray, qaar ka mid ah dagaalladii ka dhacay, iyo isbaddalladii uu maray gobolku ilaa si buuxda loogu aqoonsaday mid beel gaar ah caan ku tahay. Wuxuu isku dayi doonaa inuu ka jawaabo su'aalo muddo taagnaa siina jiri doona. Kuwaas oo ay mid yihiin: Gedo yaa asal u lahaa? Oromo iyo Soomaali kee ku soo horreeyay Waamo? Daaroodku goormuu yimid, gaar ahaan Marreexaan waqtigee Gedo soo galay? Iyo kuwo kale. Wuxuu suuragalin doonaa buuggu in dadkeennu uu helo xogo laga qoray dhulkooda waayo hore kuwaas oo ku qornaa afaf kale. Wuxuu akhristayaasha xiiseeya taariikhda dalkooda u bixin doonaa ilo ay ka heli karaan xogaha ay u baahan yihiin.

Book information

ISBN: 9781838400828
Publisher: Garanuug Limited
Imprint: Garanuug Limited
Pub date:
Language: Somali
Number of pages: 182
Weight: 181g
Height: 198mm
Width: 129mm
Spine width: 11mm